DEG DEG:- Xogo Cusub oo laga Helayo Xaaladda Tukaraq & Ciidanka Puntland oo….

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya xaaladdihii ugu dambeeyey ee deegaanka Tukaraq ee gobalka Sool oo ay maalmo badan isku horfadhiyaan ciidamada maamulada Puntland & Somaliland, waxaana ka taagan xiisad colaadeed oo aan wali xal loo helin.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in subaxnimadii hore ee saaka laga maqlay hubka culus oo u muuqday mid ay dhinacyadu isku ridayaan, gaar ahaana dhinacyadii ay maalintii u dambeysay labada dhinac iska horimaadku ku dhexmaray.

Saraakiisha labada dhinac ayaa u muuqda kuwa iskugu jira difaac iyo kaartooyin dagaal, waxaana aan

jirin amaro toos ah oo ay ka heleen madaxdooda ka sareysa oo ku wajahan xaaladdah dagaalkan.

Maleeshiyaad ka soo jeeda deegaanka lagu dagaalamayo oo kusugan dhinaca Puntland ayaa

doonaya in mar uun uu bilowdo dagaalkan, waxayna sameynayaan dadaalo kasta oo ay dagaal kuridi

karaan, sidda ay sheegayaan warar hoose oo laga helayo.

Dadaalo heer caalami iyo kuwa wadamada jaarka ah ay wadeen ayaa u muuqday kuwa aan wali miro

wanaagsan ka soo bixin, waxaana Madaxda labada dhinac ay ku kala adkeysanayaan go’aamadooda iyo gorgortan ay qolo kasta ku doonayso deegaan cusub.

Mid kamid Lataliyaasha Madaxweynaha Somaliland oo la hadlay warbaahinta Hargeysa ayaa u sheegay in aysan ciidamadoodu ka soo laaban doonin Tukaraq, taas oo Puntland uga dhigan in aysanhuri doonin dagaal ay dib ugu qabsato deegankaas iyo guud ahaanba magaalada Laascaanood.

20kii maalmood ee u dambeeyey diyaar garowga ay muujiyeen labada dhinac ee Somaliland &

Puntland wuxuu gaaray heerkii ugu sareeyey, waxayna qolo kasta geysay Waqooyiga & Barriga

Tukaraq ciidamadii ugu badnaa ee abid lageeyo, taas oo qarka u saaran dagaal weyn oo dhaca.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment