DEG DEG:(Daawo)Cali Khaliif oo Inaadeerkii baalasha ka rifay & Sirta ka dambaysa shirka Xidh Xidh oo banaanka timid “180 Nin ayaa nooga dhintay Cali Khaliif….

Siyaasi Cali Cilmi Warsame (Cali Maraykan) oo saxaafada kula hadlay gudaha magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ayaa ka hadlay qorshaha shirka Beesha Bahrarsame uga socda deegaanka Xidh Xidh ee gobolka Sool.

Cali Maraykan waxa u sheegay in shirkaasi yahay shir nabadeed Beesha Bahrarsamena kaga tashanayso aayaheeda isla markaana Beeshu ku xisaab tamayso.

”Shirka Garaad Jaamac ayaa iclaamiyay iyo Cuqaasha Beesha shirkaasina waxaa u ahaa shir nabadeed oo waxaa looga hadlayey colaado nagu dhacay oo u sabab u ahaa Cali Khaliif 180 nin ayaa nooga dhintay colaadaha waxayna u dhinten ragaasi Cali Khaliif dartiis waxaanu u sheegaynaa Cali Khaliif in Beesha Garaadka iyo Cuqaashu xukunto oo aanay xukumin maleeshiyaadka uu wato. ayuu yidhi Cali Maraykan

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment