DEG DEG:Dowladda Ethiopia oo RW Xasan Khayre ku dhagan & Xiisadii ka dhalatay Dekadda Magaalada Ber-Bera oo…….

Xog hoose oo aan helnay ayaa waxay sheegaysaa in dowladda Itoobiya ay u yeertay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre walibana lagu balamiyey magaalada Nairobi ee caasimada dalka Itoobiya.

Masuuliyiin ka socda dowladda Itoobiya ayaa tagi doona magaalada Nairobi si ay halkaas ugula soo kulmaan Khayre marka uu kasoo laabto safarka uu ku aaday dalka Maraykanka.

Xogta aan helnay ayaa sheegaysa in Itoobiya ay doonayso in Khayre ay kala hadasho arrinta dekadda magaakada Ber-Bera oo dowladdaasi dan aad u weyn ugu jirta.

Waxyaabaha ay u sheegi doonan ayaa kamid ah in aanu mar dambe ka hadal arrimaha dekadda Ber-Bera, isla markaasna haddii uu doonayo xiriir wanaagsan oo Itoobiye ah aanu khal khal gelin danaha dalkaasi.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment