DEG DEG+VIDEO | Beesha Isaaq kukala Jabtay dagaalka Laascanood & Beel faarujisay Jiida dagaal…

Siyaasi Maxamuud Xaaji Jeeni-yare oo mar guddoomiye Somaliland uga noqday gobolka Sool ayaa markii ugu horraysay qiray warar soo baxay oo tibaaxay in khilaaf xooggan hareeyey ciidamada Somaliland ee ku sugan gobolka Sool.

Mudane. Jeeni-yare oo maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa ku eedeeyay guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland,Faysal Cali Waraabe in uu sabab u yahay khilaaf qabiil ku salaysan oo ka dhex abuurmay ciidamada Somaliland,kadib markii uu caayey beelaha dega gobolada SSC.

Sayaasigan ayaa sheegay in ciidamada Somaliland ee ku sugan gobolka Sool ay fitno ka dhex abuurantay,kadib markii Faysal Cali Waraabe uu si xun u caayey beelaha dega SSC. Siyaasi Jeeni-yare ayaa ku baaqay in umadda laga qabto Faysal Waraabe oo ku tilmaamay qof waalan.

Hadalka Jeeni-yare ayaa ku soo beegmay xilli ay soo baxayan warar sheegaya in khilaaf xooggan ka dhex jiro ciidamada Somaliland ee ku sugan gobolka Sool,islamarkaana ay qeybsanyihiin.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment