DEG DEG:Warkii ugu cuslaa oo hada kasoo dhacay Jiidaha hore ee Gobolka Sool & Ciidamada Puntland oo qaarkood ay ka baxeen furaha dagaalka kadib markii Madaxweyne C/weli Gaas..

Wararka Warsidaha PuntlandFM.com uu haatan ka helayo jiidaha hore ee gobolka Sool ayaa sheegaya in qaar kamid ah ciidamada difaaca Puntland iyo saraakiishoodaba ay iskaga baxeen guud ahaanba jiidaha hore ee dagaalka markii uu khilaaf xoogan soo kala dhex galay madaxweynaha Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas iyo saraakiisha hor muudka u ah ciidamadani.

Khilaafkani ayaa yimid sida la sheegay markii madaxweyne Gaas uu ka war wareegay in dowladdiisu ay jawaab cad ka bixiso duulaanka ciidamada Somaliland ay kusoo qaadeen deegaanada Puntland iyo sidoo kale tasiilaad loogu tala galay ciidamada oo looga fadhiyey, isagoona marar badan ka gaabsaday in hawlgal buuxa ay sameeyeen ciidamadu xili amar uun ay ka sugayeen madaxweynaha.

Magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ayaa ciidamadani ay intooda badan iskaga soo noqdeen, waxaana sidoo kale xal u raadin Isimadda Puntland ay ugu jiraan khilaafkii ka dhex taagnaa madaxweynaha Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas iyo taliyaha ciidamada Puntland Gen. Siciid Dheere oo ay isku qabteen madaxweynaha qaabka loo marayo hanaanka dagaalka xoreynta gobolka Sool iyo sidoo kale qorshayaasha uga yaala dowladda arimahaasi oo uu ka aamusay madaxweynuhu.

Isimadda dhaqanka ayaa shir la qaadanaya saraakiishan gadoodka ka sameeyey dhiig la’aanta hogaamiye Gaas oo weli isagu ku qanacsan in deegaanada Puntland maalinba qayb la qabsado, waxaana la filayaa in goor dhow ay soo gaba gaboobaan kulamadaasi isla markaasna xal waara laga gaadho.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment