DHAGEYSO:- Barlamanka Puntland oo warkii ugu cuslaa kasoo saaray Xaalada Dagaalka Tukaraq & Ganacsada Puntland oo loogu baaqay in ay bixiyaan…..

Waxaa weli sii xoogaysanaya xiisadaha dagaal ee u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland kuwaas oo haatan ay kusoo biirayaan marba marka kasii dambaysa Xildhibaano, Wasiir iyo Ganacsato kasoo kala jeeda labada dhinac oo baaqyo dagaal iyo hanjabaadyana soo saaraya xili walba.

Ganacsade Siciid Diiriye Dabagub oo hore uga mid ahaan jiray Baarlamaanka Puntland ayaa waraysi uu siiyey Radio Daljir waxa uu kaga hadlay xaalada deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool iyo sidoo kale nidaamka xukuumadda madaxweyne Gaas ay u marayso ka jawaabida duulaanka ciidamada maamulka Somaliland oo uu ku sheegay in y tahay sifo khaldan sababo la xidhiidha dartood.

Ex Xildhibaan Dabagub ayaa ku dhaliilay dowladda Puntland doorka ay ka qaadatay xaalada deegaanka Tukaraq oo uu sheegay in ay ahayd in mar hore a kaga jawaabto Puntland xaalad dagaal, isagoona ugu baaqay ganacstada reer Puntland in ay qayb laxaad leh ka qaataan difaaca dhulkooda bixiyaana qarashaadka ay ku hawlgalayaan ciidamadu.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa hor yaala Mooshin laga keenay madaxweyne Gaas kaas oo lagu eedaynayo in uusan muhiimsiinin difaaca Puntland isla markaasna uu xilka ka gado hadii uusan xoreyn karin Sool.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment