DHAGEYSO: ONLF oo cadeysay in DF Soomaaliya ay Itoobiya ka codsatay in Xabsiga lagu sii hayo Qalbi Dhagax.

Ururka ONLF ayaa beeniyey hadal maalintii sabtida uu sheegay safirika Itoobiya ee Soomaaliya Jamaaluddiin Mustafa Cumar oo ahaa in Cabdikariim Muuse Qalbi Dhagax lagu sii daayey codsi ka yimid dawladda Soomaaliya.

Afhayeenka ururka ONLF Caddaani Hirmooge oo wareysi siiyey VOA ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan wax lug ah ku lahayn sii daynta Qalbi-Dhagax.

Dawladda Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin sii daynta Cabdikariim Qalbi Dhagax, islamarkaana VOA weli kuma guuleysan inay khadka teleefonka ku hesho mas’uuliyiinta dowladda.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment