DHAGEYSO | Waa Sidee Xaaladda Caawa Tukaraq & Boocame & Halka ay Joogaan Ciidanka Somaliland ….

Waxaa caawa degan xaaladda deegaanka tukaraq oo maanta ciidamada Puntland & Somaliland ay dirireen waxaana laga daremayaa halkaasi iney dhiilo colaaleed kajirto xili weli labada ciidan ay isku horfadhiyaan halkii maanta dagaalka ka dhacay.

Sida wararka Puntland Fm caawa ay ku heleyso waxaa gebi ahaanba degmada Boocame gacanta ku haya Ciidanka Difaaca Puntland & Khaatumo waxaana beer abuur noqday warar ay suuqa gashteen Kooxda Hargeysa.

Guud ahaan shacab weynaha Puntland ayaa siweyn ugu diyaar garoobay dagaalkan lagu Xureynayo dhulkan kamaqan reer Putnland & Guud ahaan Soomali oo idil.

Waxaa maanta la arkayey iyadoo dhalinyaro fara badan ay iskood ah ay ciidanka ugu biirayaan halka haweenkuna ay Calamada kagadaal babinayeen Ciidanka.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment