DHAGEYSO | Wararkii ugu dambeeyey saaka Tukaraq & Halka labada ciidan kala Joogaan …

Kadib markii ay saacadihii ugu dambeeyey soo baxayeen warar sheegaya in ciidamo katirsan kuwa Soomaaliland iyo malayshiya beeleed ka soo jeeda gobolka Sool ay gaareen deegaamo hoosyimaada degmada Boocame ayaa waxaa arrinkaasi ka jawaabay maamulka degmada.

Gudoomiyaha degmada Boocame Xayle Shire oo lahadlay warbaahinta ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay wararka ay warbaahintu qortay ee ku aadan in Ciidanka Soomaaliland joogaan Boocame iyo deegaamo hoosyimaada.

Dhanka kalena gudoomiyaha ayaa sheegay in shacabka kunool Boocame iyo deegaamada hoosyimaada ay taageersan yihiin Puntland ayna diyaar u yihiin dagaal kadhan ah Soomaaliland.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment