FADEEXID+DHAGEYSO | Wasiir Somaliland oo Cod SIr ah laga duubay & Isagoo shabab usheekeynaya

Hallkaan hoose ka dhegayso cod laga duubay wasiirka gaashaandhiga Somaliland Ciise Xawar oo ka hadlaya Shabaabka Buuraha Galgala ku jira iyo nacaybka uu beesha Isaaq uqabay kahor wasiirnimadiisii.

Ciise wuxuu kasoo jeeda beesha Warsangali gaar ahaan Cumar, kahor inta aan loo magacaabin wasiirka gaashaandhiga waxaa uu katirsanaa ururka SSB, oo u taagan danaha Sool, Sanaag iyo Bari. Waxaa uu kamid ahaa ragga sida weyn ugasoo horjeeday beesha Isaaq iyo horgalada Warsangali ee maamulkooda ku jira.

Waxaa kale oo uu kamid ahaa ragga ku taliynayay in dagaal beesha Warsangali ku qaado buuraha Galgala, si looga saaro kooxda Alshabaab, oo dhibaato weyn ku haysa degaanadaas. Waxaa sidoo kale uu ku talinayaa in meel cad loogasoo jeesto cid walba oo Horgal u ah maamulka Hargeysa.

Balse, nasiib darro maanta isaga ayaa noqday Horgal katirsan maamulka Somaliland, waxaana uu ku hanjabayaa inuu Somaliland gacanta u galiyo dhulkii uu shalay lahaa halaga xoreeyo Shabaab iyo Idoor.

Share This Post

Post Comment