Gaalkacyo oo laga waayi doono hal arin oo dhib ba’an ka Taagnaa

Duqa magaalada Gaalkacyo Maxamuud Yaasiin Tumey ayaa ku dhawaaqay arrin cajiib ah oo ay shacabka Gaalkacyood aad u raadin jireen oo ah in hub ka dhigis lagu sameeyo shacabka, oo hubka oo dhan laga waayo magaalada.

Mr, Tumey ayaa hadalkan ka jeediyey magaalada Gaalkacyo, wuxuu sheegay in uu balan qaadayo in 3 bilood gudahood, magaalada oo dhan looga waayi doono wax hub ah oo ay shacab wataan, wuxuuna taasi sheegay in ay u baahan yihiin taageerada shacabka.

Gaalkacyo waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu nolosha iyo aayaha fiican ee Soomaaliya, laakiin xaaladda ugu adag ee haysta waa ammaan darro, taas oo ay uga qaxeen boqolaal qof, dilalka qorsheysan iyo ficilada Argagixiso ayaa magaalada ka dhigay guri aan cidna u xiiseynin.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment