Madaxda Dowladda Puntland oo Go’aankii ugu Cuslaa qaatay

7 bilood oo buuxda ayaa kasoo wareegtay markii ay Somaliland u durbaan tuntay dagaal toos ah oo ay ku qaado Puntland, waxayna ka bilowday Tukaraq oo ay ciidamadeedu qabsaden 08 January 2018, taasi waxay keentay ama soo dadajisay in ay Puntland sameyso abaabul dhinac walba saameeyey, gaarayna heerkii ugu sareeyey oo ay ku doonaysay in ay dib gacanteeda ugu soo celiso gobalka Sool.

15kii ilaa 24-tii May Dagaalo culus ayaa dhexmaray Puntland & Somaliland, wixii intaas ka dambeeyey abaabul dheer ayay aadeen labada maamul, waxay wajaheen marxalado kala duwan, dagaalkuna wuu ka gudbay Hanjabaadaha iyo hadalada dagaal, wuxuuna gaaray mid u daadaga in qiyamka iyo Aqlaaqdaba laga gudbo.

Si aan horey loo arag ayay Midnimo & go’aan wadajir ah u muujiyeen Shacabka gobalka Sool ee Puntland kunool, kuwaas oo 11-kii sanno ee lasoo dhaafay gacanta ugu jiray badankooda maamulka Somaliland, waxayna cadeeyeen mawqifkooda ku aadan sidda ay uga go’an tahay in ay taageeran Howlgal dib looga saarayo gobalkaas maamulka Hargeysa.

Deegaano aysan horey u gaarin adeegyada rasmiga ah ee dawladda iyo wararkeedaba ayay gaartay Duufaanta Colaaddan, waxayna Shacabku dareemeen in uu jiro qorshe dhameystiran oo ay dawladda Puntland hadda ka leedahay soo celinta Laascaanood.

Falanqeeyaasha sidda dhaw ula socda arrimaha gobalka ayaa rumeysan in Puntland ay hadda soo wajahday fursad dahabi ah oo u muuqan karta tii ugu dambeysay oo ay dib gacanteeda ugu soo celin karto dhulka laga haysto, gaar ahaana magaalooyinka laamiga iyo kuwa ka dagsanba.

Somaliland waxay beel-dareysay siyaasaddeedii ku aadaneyd gobalada Sool, Sanaag & Cayn, ka dib markii ay doorteen Shacabka Gobalada Waqooyi Muuse Biixi Cabdi oo ahaa Horjooge dagaal, horeyna xasuuqyo uga geystay gudaha Somaliland, ayna shacabka SSC u arkeen in uu yahay mid colaad huris ah.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment