Madaxweyne gaas oo maanta kuwajahan Garowe & Wararkii ugu dambeeyey …

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa lafilayaa in uu maanta dib ugu laabto magaalada Garoowe ee caasumada maamulkaas, xili uu Muqdisho uga qeybgalay shirka Hogaamiyaasha Soomaalida, kaas oo looga hadlay arrimo kala duwan.

Madaxweynaha Puntland ayaa mudadii uu joogay magaalada Muqdisho ka qeybgalay labadii shir ee dhexmaray Madaxda Siyaasadda Soomaalida & Beesha Caalamka, kaas oo diiradda lagu saaray arrimaha siyaasadda, Ammaanka iyo Kheyraadka ee Soomaaliya.

Gaas ayaa xiligan waxaa sugaya arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin xiisadda Tukaraq oo wali kacsan, arrimaha Boosaaso oo wali taagan iyo sidii go’aan looga gaari lahaa arrimaha muhiimka ah.

Puntland ayaa xooga saaraysa in sannadka 2020-ka Doorashada Puntland ay noqoto mid muhiim u ah Soomaaliya, isla markaasna aan dib loogu laaban nidaamkii hore ee qabyaaladda, kaas oo horey heshiis looga gaaray sannadkii 2016-kii in aan dib loogu soo celin dalkan.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment