Markabkii Xoolaha waday ee Kusugnaa dekedda Boosaaso oo loo diiday inuu kusoo Xidho ..

Markab waday sadex kun oo neef oo arri ah ayaa kusoo xirtay marsadda yar ee Mareero ee gobolka Bari, kadib markii uu xoolaha kasoo qaaday dekedda Kismaayo cilad soo wajahday xilli uu marayay xeebaha Badda Cas loo diiday inuu kusoo xirto dekedda Bosaso.

Masuul katirsan ganacsatada markab uu u rarnaa ayaa Puntland FM u sheegay xoolahan inay biyo iyo baad wadeen , kadibna ay ka codsadeen maamulka dekedda Bosaso inuu ka dajiyo xoolaha markabka uu waday, taasi oo ay ka diideen Xoolaha ayaa hadda lagu rogay marsad yar oo dabiici ah oo ku taala deegaanka Mareero ee duleedka Bosaso, ganacsatada ayaa sheegaya wasiiro katirsan dowladda inay dadaal ay u galeen in markabka kusoo xirto dekedda Bosaso balse maamulka dekedda Bosaso ee shirkadda P&O Ports ay ku gacan sayrtay iyadoona sheegtay inay lacag ka rabto, taasi oo ganacsatdu ay sheegeen inay bixin karin.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment