Maxaa Hada kasocda Jiidda Tukaraq & Xaalada oo Iminka Cirka isku …

Wararkii ugu dambeeyey ee naga so gaaraya Jiidaha dagaalka ee gobalka Sool ayaa sheegaya in jeneraaladii ugu sareeyey ciidamada Difaaca ee Puntland oo aan horey u joogin goobaha dagaalka ay ku biireen, ka dib markii ay Somaliland isku habar-wacatay keentayna maleeshiyaad laga soo aruuriyey deegaano ka durugsan magaalada Hargeysa.

Jeneraalada qaarkood oo kusugnaa mudooyinkii ugu dambeeyey Nairobi, Muqdisho & Gaalkacyo ayaa shalay soo gaaray jiidaha dagaalka, waxayna khibradooda ciidan ku biirinayaan howlgalka dibu xoreynta gobalka Sool, iyagoo qaadanaya waajibaadka Dastuuriga ah ee ka saaran difaaca dalka.

Jeneraal Khaliif Ciise Mudan oo madax u ahaan jiray Muuse Biixiga Somaliland xukuma waqtigan ayaa kasoo duulay magaalada Nairobi, isagoo toos u aaday deegaanka Tukaraq oo ah halka laga hogaaminayo howlgalka dibu xoreynta gobalka Sool.

Shirar kala duwan ayuu la qaatay Taliyaha ciidamada Difaaca Puntland Jen, Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) iyo Jeneraalada howlgalkan haya oo ay ka wada hadleen arrimaha dagaalka, mana jiraan faahfaahin kale oo dheeraad ah.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment