Maxaa ka cusub Sirtalaga helay Ciidamada Cusub ee weli kasoo goosanaya Somaliland …

Wararkii ugu dambeeyey  uu haatan ka helayo magaalada Hargeysa ee caasimada maamulka Somaliland ayaa sheegaya in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu qorshaynayo in uu kala baxo ciidamadiisa uu kala baxo deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Ujeedka ka bixitaanka ciidamada Somaliland ee deegaanka Tukaraq ayaa salka ku haya dalabaadyo iyo cadaadis xoogan oo la saaray Mr. Biixi, waxaana sidoo kale meesha aan ka madhnayn madaxweyne Farmaajo oo isna qayb ka ah dadaalada lagu kala qaadayo labada ciidan.

Madaxweynaha dowladda federaalka Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo kan Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dhawaan ku kulmi doona dalka Jabuuti, iyagoona kawada hadli doona labada madaxweyne arimo badan oo ay kamid yihiin xal u raadinta xiisadaha Puntland iyo Somaliland ee deegaanka Tukaraq oo mar mar badan uu ka dhaga adaygay Mr. Biixi dalabyo farayey in ciidamadiisa uu kala baxo sida ugu dhakhsaha badan deegaanka Tukaraq.

Lama oga ilaa iyo waxa uu ku dambeyn doono xaalku, waxaase weli socda dadaalada lagu doonayo xal raadinta xiisadaha Tukaraq kuwaas oo ay ku hawlan yihiin dowladdo waa weyn iyo Beesha Caalamka oo xooga saaraysa in marnaba uusan dagaal ka dhex qarxin Puntland iyo Somaliland.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment