Mid kamid ah Beelaha Somaliland oo Ciidankeeda kala baxeysa DagaalkabTukaraq

Wararkii ugu dambeeyey ee Warsidaha PuntlandFM.com uu ka helayo Jiidaha hore ee dagaalka ayaa sheegaya in saraakiisha iyo taliyaasha ciidamada Somaliland ay isku af garteen in dagaalkii ugu cuslaa ay ku qaadaan gobolka Sanaag iyo ciidamada Beesha Habar Yoonis ee uu hogaaminayo Korneyl Caare oo hore uga mid ahaa saraakiisha ciidamada Somaliland.

Korneyl Caare ayaa la sheegay in bartilmaameedka ugu xoogani uu isaga haysto kadib markii uu saftay malayshiyaad beeleed kasoo jeeda Beeshiisa kuwaas oo dagaalo ay weli ku dhex marayaan malayshiyaadka Beesha Habar Jeclo deegaanada Ceel Afweyn iyo Darar weyne ee gobolka Sanaag.

Amarka dagaalkani ku wajahan ciidamada Beesha Habar Yoonis iyo Korneyl Caare ayaa inta badan kasoo hor jeestay ciidamada Somaliland ee kasoo kala jeeda Beelaha kale ee Isaaq marka laga reebo ciidamada Beesha Habar Jeclo oo iyagu ka aqbalay Muuse Biixi in ay qayb laxaad leh ka qaataan dhanka ka ah ciidamada Caare.

Beelaha kasoo hor jeestay dagaalkani ayaa la sheegay in ay kala yihiin Beesha Gar-xejis, Samaroon, Ciise iyo sidoo kale Beelaha kale ee ku abtirsada Beesha Isaaq.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa isagu ku dhawaaqay in lasoo af jari doono dagaalka ka socda deegaanka Ceel Afweyn, waxaana uu sheegay in fidnimada ugu badan ay kamid dhanka Kornyel Caare oo goor dhow dagaal ay ku qaadi doonaan ciidamadiisa si looga takhaluso ayuu yidhi.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment