Muuse biixi oo Cadaadis adag Wajahaya & Xaaladda Tukaraq oo …..

Warar aanu xog uu kaga helnay dhinaca Madaxtooyada Somaliland waxahy daaha ka rogaysaa in cadaadiskii ugu xooga badnaa lagu saarayo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, sidii uu ciidamadiisa uga soo saari lahaa deegaanka Tukaraq oo ay qabsadeen bilowgii bishii hore ee January 2018.

Saraakiisha Madaxtooyada Hargeysa ayaa  sheegay  in ay dadaalkan qeyb ka yihiin wakiilada caalamiga ah ee daneeya arrimaha Soomaaliya, Hay’ado madax banaan iyo Hay’adda Culumada Soomaaliyeed oo dhamaantood xooga saaraya in la baajiyo dagaal dhaca.

Madaxweynaha Somaliland ayaa diiday in ciidamadiisu ay dib uga soo laabtaan deegaanka Tukaraq, wuxuuna si cad u sheegay in go’aan uu gaaray baarlamaanku uu yahay oo uusan ka laaban Karin, taas bedelkeedana ay ciidamadiisu ku ekaan doonaan goobaha ay hadda joogaab.

Muuse Biixi ayaa la kulmay cadaadisyada beelaha Somaliland oo qaarkood si aan gabasho laheyn u diiday habar-wacadka loogu jiro dagaal dhaca, waxaana ay sheegeen in aysan aqbali doonin dagaal lagu qaado deriska Somaliland, talaabadaasna aan la mahdin doono wax aka dhasha.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment