Odayaasha Laascaanood oo diiday la kulanka wafdi ka socda Madaxtooyada Somaliland & Puntland FM oo Heshay ….

Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool ayaa sheegaya in ay diideen Odayaasha dhaqanka ee gobalkaas in ay la kulmaan wafdi ka socda Madaxtooyada Somaliland oo magaaladaas kusugnaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay, kuwaas oo qorshahoodu yahay sidii ay aduunyo ugu kala furfuri lahaayeen duqowda dhaqanka ee magaalada.

Guddiga odayaasha ayaa sheegay in aysan masiirkooda dhaafsan doonin aduunyo, waxayna si adag uga hor yimaadeen dalabka Muuse Biixi Cabdi ee kusaleysan in uu kusii nagaado maamulkiisu magaalada Laascaanood.

Odayaasha qaarkood oo la hadlay Puntland FM, kana gaabsaday magacooda ayaa sheegay in ficilada hadda socdaa ay dhabaha u xaari doonaan dagaal aan la mahdin doonin oo dhexmara Shacabka iyo maleeshiyaadka maamulkaas.

Xubnaha ka socda Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyey doonayey in ay damacooda ka fuliyaan gobalka Sool oo ay taageero u helaan qorshahooda ku wajahan sii joogitaanka ciidamada maamulkaas ee gobalka, waxayna adeegsanayaan lacago xad dhaaf ah oo laga keenay dhinaca magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha Somaliland ayaa goor sii horeysay Odayaasha dhaqanka ugu hanjabay in haddii aysan taageerin maamulkiisa oo aysan ka baaqsan taageerida maamulka Puntland ay ku dagaalami doonan ciidamadiisu gudaha magaalada oo ay sidaas ku burburi doonto.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment