PUNTLAND oo War Culus kasoo saartay Wasiirkii la dhaawacay ….

Taliska Ciidamada Booliska ee Maamulka Puntland ayaa faafaahin ka bixiyay weerarkii shalay lagu qaaday wasiiro Dowlihii Dekadaha ee Puntland, Sidoo kala taliska ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Ciidankii ka danbeeyay dhaawicii shali galab loo geystay Wasiiru dowlaha Dekadaha ee Puntland Axmed Siciid.

Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska Gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan askarta dhaawacday Wasiiru Dowlihii Dekedaha ee Puntaland Axmed Siciid.

Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska ee gobolka Bari ayaa Puntlandfm usheegay in cadaalada la hor geyn doono askartaan weerartay Wasiiru Dowlaha Dakadaha ee Maamulka Puntland.

Shalay galin kii dane ayey aheed markii ciidamo watay gaari Cabdi Bile ah ay rasaas ay ku fureen gaari uu watay wasiiro dowlaha oo marayay Magaalada Boosaaso ayadoona hadda lagu dhabiibayo Axmed Saciid isbitaal ku yaal Magaalada Boosaaso.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment