RASMI:- Villa Somaliya oo caawa laga dareemayo Mashquulkii ugu Xooganaa & Xubno saf ugu jira Jagooyin ….

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Ra’iisal Wasaare Xasan Cali khayrre uu wado qorshe uu isku shaadhayn ugu sameynayo Golahiisa Wasiirada , sidoo kalane la magacaabo Wasiirada boosas ka banaan Xukumadiisa.

Kulamo joogta ah oo ka socda Madaxtooyada Soomaaliya, gaar ahaan Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa lagu wadaa in isku shaadhayn lagu sameeyo Wasiiradiisa, waxaana suurta gal ah in qaar ka mid ah aysan ku soo laaban Saaxada Siyaasadda ee Xukumadda khayrre.

Xogta aan helnay ayaa sheegaysa in la magacaabi doono Jagada Wasiirada Banaan oo kala ah Warfaafinta, Gar-gaarka iyo Musiibooyinka, Arimaha Diinta iyo Awqaafta, oo qaarkood muddo Bilooyin ah ka banaan Xukumadda Khayrre.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale sheegaya in Xilka laga qaadi doono Wasiiro ka tirsan Xukumadda Soomaaliya ee uu ka mid yahay Wasiirka Amniga Gudaha Xildhibaan Maxamed Abuukar isloow, sidoo kale wararka la helay ayaa sheegaya in la magacaabi doono Taliyaasha Booliiska iyo Nabad Sugidda Soomaaliya oo Bishii October Xilka laga qaaday markii ay qaraxyo ruxeyn Magaalada Muqdisho.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment