Sawirro:- Daawo dhaawacyadii Qaraxii Soobe oo War Farxad leh laga Shaaciyey

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga oo kaashaneysa Wasaaradda Caafimaadka dalkaasi ayaa markii saddexaad dalkaasi ka soo sagootisay 9-ruux oo ka mid ah dhaawacyadii la geeyay Ankara ee ku dhaawacmay Qaraxii 14tii October ka dhacay Muqdisho,kuwaasi oo hadda xaaladooda caafimaad soo hagaagtay.

9-ka ruux oo xalay Garoonka diyaaradaha Magaalada Akara ay ka sagootiyeen mas’uuliyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga,Mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Caafimaadka Turkiga,Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi iyo Ardayda waxka barata dalka Turkiga ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga ayaa waqti badan gelisay xaaladda Bukaanada iyo ka warqabkooda iyadoo gacan wanaagsan ka heleysay Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Turkiga oo habeen iyo maalin u soo jeeday sidii dadka walaalahood ee Qaraxa ku soo dhaawacmay loo caawin lahaa.

Waxaana howshaan dhexda u xirtay Habeen iyo maalina kortaagnaa bukaanadaas xoghayaha labaad ee safaaradda C/qaadir Maxamed Barqadle  iyo Sulemaan Maxamed Kaarshe oo runtii muujiyay dowrkii loo baahnaa ee kaga aadanaa safaaradda Soomaaliya e dalka turkiga.

Sidoo kale,caawinta dadka Bukaanada ah waxaa gacan lama ilaabaan ah ka geystay Jaaliyadda Soomaaliyeed oo muujiyay door wanaagsan oo soomaalinimo ku saleysan.

Dhaawacyadani waxaa ka mid ahaa Mumtaz Hassan Ali oo ahayd lix jir oo la geeyay dalka Turkiga ku jirtay Xaalad koomo ah,waxaana dib loo soo celiyay iyadoo iyada iyo Hooyadeed farxad ka muuqada waliba caafimaad qabta Alle mahadii.

 

Magacyada dhaawacyadii soo bogsooday waxaa ka mid ahaa:-

Hussein Hassan Ahmed.Samira Sheikh Mohamed.Adam Muse Hassan.Alas Elmi Qobey.Mumtaz Hassan Ali.Abdalla Omar Mayew.Bille Adan Farah.Said Abdi Jeele.Ali Diriye Farah.

Share This Post

Post Comment