Sawirro| Daawo Qaabkii Tiradii ugu badneyd ugu Geeriyootay Garowe & dhimashada oo dhaaftay…..

Ugu yaraan ilaa Afar Qof ayaa dhintay tiro intaas ka dambana waa ay dhaawactay kadib markii dab xoogan uu ka kacay mid kamid Kaalmaha shidaalka ee magaalada Garoowe oo ku yaala aaga Hotel Towfiiq.

Dabkani oo ah mid xoogan ayaa dhamaanba waxyeelo culus u gaystay goobaha ganacsiga iyo guryaha ku yaala aagaasi, waxaana la sheegay in khasaare nafeed iyo mid hantiyeedba uu sababay.

Xarumaha caafimaadka magaalada Garoowe ayaa haatan aad u mashquulsan, waxaana socda hawlgalo lagu bad baadinayo dadkii ku waxyeeloobay dabkaasi.

Dowladdaha hoose ee magaalada Garoowe ayaa lagu dhaliilayaa dab damis la’aan baahsan oo ka jirta

Dab ayaa ka kacay kaalin shidaalka lagu iibiyo oo ku taala magaalada Garoowe ee caasumadda Puntland.

Dabka ayaa waxaa kadhashay khasaare maaliyadeed iyadoona wali xoogiisa uu socdo sida ay ku waramayaan wariyeyaasha Putland FM ee goobta gaaray.

Majirto wax dab damis ah oo goobta gaaray, iyadoona lasheegayo inay magaaladu lahayn wax dab damis ah.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment