SHAACIN:- Madaxda Maamul Goboleedyada oo isugu Tagaya Muqdisho & Arimo Muhiim ….

Madaxda siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaana Hogaamiyaasha dawlad gobaleedyada iyo dawladda Faderaalka ayaa kulan muhiim ah kuyeelan doona magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlayo xaaladdaha siyaasadeed ee dalka iyo mustaqbalka doorashaa 2020­ka.

Guddi hoosaadyo horey loogu saaray in ay ka soo baraan­dagaan qodobada qaarkood, gaar ahaana go’aamada Doorashada, Amniga isku dhafka ciidamada iyo qorshaha siyaasadeed ee dalka ayaa ugu dambeyntii soo gudbin doona warbixinadooda.
Madaxweynayaasha dawlad gobaleedyada ayaa tagaya magaalada Muqdisho, waxayna xooga saraayaan sidii loo dajin lahaa qorshe dhameystiran oo la xariira Amniga iyo geedi socodka siyaasadeed ee dalka.
Shirkan madaxda Siyaasada waxaa hareyn doona qadiyado xasaasi ah oo ay ka mid tahay falcelintii ciidamada NISSA loogu adeegsaday qaar kamid ah dadka dhaliilsan siyaasadda Madaxtooyada Soomaaliya.
Guddiga Doorashooyinka madaxa banaan ee dawladda Soomaaliya ayaa laga sugayaa warbixino ku saabsan sidda lagu gaari karro doorasho wanaagsan sannadka 2020­ka, taas oo balanqaadyada dawladda Faderaalka ay ka mid ahayd in dalkan la gaarsiiyo hanaanka doorashadaas.
 Dhismaha ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed iyo dibu habeyntooda oo loo xilsaaray guddi isku dhaf ah ayaan wali si dhameystiran looga hirgalin oo dhan deegaanada dalka, waxaana guddigaas laga sugayey gabagabeynta qorshaha la xariira sidii loo heli lahaa awood mideysan oo leh adeegyada muhiimka ah.

Share This Post

Post Comment