Somaliland oo Laascaanood kasoo buuxisay Ciidamada RRW & Howgalo Culus oo ay bilaabayaan+Dagaal laga…

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in ay Somaliland ciidamadii ugu badnaa oo ah kuwa loogu talo-galay la dagaalanka Argagixisada ee loo yaqaano RRU-da ay soo gaareen gudaha magaaladaas, iyagoo doonaya in ay sameeyaan waxa loogu yeeray howlgalo khaas ah oo ay hubka kula dagaalamayaan.

Wararku waxay sheegayaan in ciidamadan ay shalay iyo xalayba soo galeen magaalada Laascaanood, waxaana ilaa hadda la dajiyey duleedka magaalada, iyagoo cabsi ka qaba weeraro uga yimaada maleeshiyaad aysan heybtooda gareyn oo horey gudaha magaalada uga fuliyey weeraro.

Xogaha laga helay goobjoogayaal ayaa sheegaya in cabsida soo wajahday ciidamada maamulka Hargeysa ay kaliftay in ay bedelaan dhamaan qaababkii hore, ayna xooga saaraan sidii ay uga hortagi lahaayeen weeraro ka dhaca gudaha magaalada.

Warar hoose ayaa xaqiijinaya suuragalnimada in ay sameeyan howlgalo ay ugu magac-dareen hub ka dhigis, waxaana haddii taasi laysku dayo dhici karta in ay wajahaan dagaal toos ah oo ka dhaca gudaha magaalada Laascaanood, waxaana cabsida ugu badan qaba maleeshiyaadka.

Lama garanayo sidda ay noqon doonto xaaladda Tukaraq & Laascaanood oo ay hadda ka taagan yihiin xiisado colaadeed oo xoog leh, waxaana ila hadda cabsidu tahay dagaal bilowda saacadaha nagu soo aadan.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment