UPDATE:- War Culus oo hada kasoo Kordhay Jiida dagaalka Tukaraq & madaxda PL oo….

Inkastoo khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi aan ilaa iyo hada war rasmi ah laga haynin hadana wararku waxa ay sheegayaan in ciidamada weerarka qaaday ay ka tirsanaayeen ciidanka madaxtooyada Puntland ee ka amar qaata madaxwayne ku xigeenka Puntland Eng. C/xakiim Cabdullahi Xaaji Cumar Camay.

Dadka ka faalooda arimaha siyaasadda Puntland ayaa sheegay in weerarkani uu sababi karo khilaaf soo kala dhexgala xubnaha ugu sareeya gudiga difaaca Puntland oo ay ugu horeeyaan Madaxwayne ku xigeenka Eng. Camay iyo taliyaha ciidanka difaaca Puntland, kuwaas oo ku kala aragti duwan daahniinka uu qaatay dagaalka ay qorshaynayso Puntland in ay kula qabsato deegaanada Tukaraq iyo Laascaanood, waxaana madaxweyne Camay taas badalkeeda uu iclaamiyey dagaal toos ah oo lagu qaado ciidamada maamulka Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee Puntland ayaa haatan diyaar garow xoogan ugu jirta dagaal baahsan oo ay qorshaynayso in ay kula wareegto magaalooyinka Laascaanood iyo Tukaraq kadib markii deegaanadaasi ay la wareegtay Somaliland.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment