Video-Daawo Xaaladda Abwaanadii Ciidanka Somaliland Xireen oo Xaalkeeda Halis kujira ..

Ciidamada sirdoonka Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay gabar ku caan baxday suugaanta iyo Soomaalinimada oo Muqdisho ku sugneyd muddooyinkii ugu danbeeyay.

Naciimo Axmed Qorane (Naciima Abwaan) waxay ka mid ahay Suugaanleyda fara-ku-tiriska ah ee haweenka, waxayna muddooyinkii dambe ku sugneyd magaalada Muqdisho oo ay caan ku noqotay suuugaanteeda ka tarjumeysa midnimada iyo Soomaalinimada.

p>Wararka ayaa sheegay inay magaalada Haregysa oo ay ku dhalatay u tagtay aabaheed oo qalliin lagu sameynayey, kadibna markii ay 10 maalmood ku sugneyd ay isu diyaarisay inay dib ugu soo laabato magaalada Muqdisho, balse ciidamada sirdoonka Somaliland ay ka qabteen Garoonka Hargeysa.

Aabaheed ayaa sheegay in Naciima lagu soo eedeeyay inay Soomaaliweyn aaminsan tahay iyo inay qoraallo lid ku ah Somaliland ku qortay barta Facebook, laakiin Naciima ayaa beenisay arrinta Facebook, waxaana maanta loo wareejiyay xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa.

Waxaa la filayaa in maxkamad lasoo taago, waxayna tani qeyb ka tahay caburinta maamulka Somaliland ku hayo dadka caadiga ah ee kasoo jeeda maamulkaasi ee magaalada Muqdisho taga.

Share This Post

Post Comment