VIDEO+Daawo Muuqaalka Beesha Dhul bahante oo udiyaar garowday Dagaalkii lagu Xureynayey Sool

Xilli muddo kudhow hal bil kudhow ciidamada Puntland iyo kuwa Soomaaliland isku horjoogaan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxaa arrintaasi si kulul uga hadlay qaar kamid ah siyaasiyiinta gobolka Sool.

Siyaasi Cali Maraykan oo kamid ah mas’uuliyiinta maamulkii Khaatumo ee Pro Cali Khaliif kula biiray maamulka Soomaaliland ayaa sheegay in shacabka gobolkaassi ay diyaar u yihiin duulaan iyo dagaal lagu xoraynayo gobolka Sool haseyeeshee ay sugayaan in dowladda Puntland bixiso amarka ayna qaadato kaalinta ay kuhagayso dagaalka.

Cali Maraykan ayaa si kulul u eedeyey Cali Khaliif oo u sheegay inuu khiyaamay shacabkii xilka u dhiibtay aysana mar dambe aamini doonin, isagana lagu xaqiray magaalada Hargaysa.

Dhanka kalena siyaasiga ayaa shacabka gobolka Nugaal ugu baaqay inay ka qaybqaataan xoraynta gobolka Sool maadama ay yihiin dad deris ah oo ehel ah, maadaama dowladdu ay ciidankeedii geysey gobolka.

HAALKAAN KA DAAWO

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment