Waa Sidee Xaaaladda Saaka Laascaanood & Ciidamadii Lawareegay oo

Wararka PuntlandFM.com ay ka helayso magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in guud ahaanba amaanka guud ee magaalada Laascaanood ay la wareegeen ciidamo hor leh oo ka tirsan kuwa maamulka Somaliland.

Ciidamadani la sheegay in amaanka magaalada Laascaanood la wareegeen ayaa kamid ah ciidamada RRU kuwaas oo Laascaanood soo gaadhay markii uu Muuse Biixi shaaciyey in uu safar ku tagi doono deegaanada Ceel Afweyn iyo Tukaraq, waxaana baaqashadii safarkii Biixi kadib ay weli kusii sugnaadeen ciidamadani magaalada Laascaanood.

Wadooyinka waa weyn iyo goobaha ay ku kulmaan bulshadu ayaa la sheegay in maalintii shalay ahayd ay lasoo dhoobay ciidamadani, waxaana sidoo kale qaybaha kala duwan ee magaalada Laascaanood lagu daadiyey ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland kuwaas oo la sheegay in ay ka hortagi doonaan wax kasta lidi ku ah maamulka Muuse Biixi.

Qorshaha ay u joogaan ciidamada RRU magaalada Laascaanood ayaa lagu sheegay in qayb ka qaadan doonaan dagaalada Somaliland iyo Puntland hadiiba mar kale la isku fara saaro deegaanka Tukaraq, waxaana hada soo wajahay ciidamadani baqdin xoogan iyo kala shaki soo kala dhex galay iyaga iyo ciidamadii hore u joogay magaalada Laascaanood ee kasoo jeeda gobolka Sool.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment