WAR CULUS| Warkii ugu Cuslaa oo kasoo yeeray Jiida Hore ee Tukaraq & Ciidanka

Wararkii ugu dambeeyey ee soo gaadhaya Warsidaha Puntland FM ayaa sheegaya in caawa heegankii ugu cuslaa la galiyey ciidamada difaaca Puntland kadib markii maanta xukuumadda madaxweyne Gaas ay ku dhawaaqday xaalad dagaal oo deg deg ah.

Xoggaha Warsidaha Puntlandnews.net uu ka helayo jiidaha hore ee gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamada Puntland guud ahaanba loo dhamaystiray agabyadii dagaal isla markaasna saacadaha soo socda ay u fulin doonaan hawlgalkii ugu cuslaa ee dagaalka xoreynta gobolka Sool, iyadoona maanta shirkii gollaha wasiiradda Puntland waxyaabaha lagaga hadlay ay ahaayeen xaaladaha gobolka Sool iyo sidii dowladda Puntland ay gacanta ugu dhigi lahayd magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo ka maqan gacanta dowladda muddo dheer.

Madaxweynaha Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas oo ay u xamibnaayeen ciidamada difaacu amarkiisa ayaa haatan si rasmi ah u qaatay go’aankii ugu cuslaa ee dagaalka gobolka Sool, isagoona ku amray gollihiisa wasiirada in ay dhamaanba askartooda galiyaan dagaalka isla markaasna ciidamada Puntland oo dhan ay isku diyaariyaan xaalad dagaal oo deg deg ah looga fadhiyo in ay ka sifeeyeen ciidamada Somaliland guud ahaanba gobolka Sool.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment