War Deg Deg AH:- Warkii ugu Cuslaa oo kasoo kordhay Jiida dagaalka Tukaraq & Ciidamada oo ..

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Tukaraq ee gobalka Sool ayaa sheegaya in
xaaladda halkas ka taagan ay ka duwan tahay tii maalmihii ugu dambeeyey ay isku orfadhiyeen ciidamada Puntland & Somaliland, oo isku haya gacan ku heynta gobalka Sool guud ahaantiis.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada labada dhinacba ay sii wadaan dhaqdhaqaaqyadooda, ayna habeenimadii xalay is dhaafsadeen hubka culus, ka dib markii ay ku kala shakiyeen in dhinac kastaa duulaan soo yahay.

Saraakiisha ciidamada labada dhinac ayaa sii wada hanjabaadaha ay hawada isku marinayaan, waxaana
muuqata xiisadda oo sii kordhaysa saacadihii ugu dambeeyey.

Warar ka madax banaan dhinacyada ayaa sheegaya in ka sokow hubka ay is dhaafsadeen cabsi laga
qabi karro dagaal dhaca, waxaana dadweynaha qaarkood ay ka cabsadeen dagaalo dhaca.

Warsidaha Puntlandfm.com ayaa Xusaya in Puntland & Somaliland ay 20­kii maalmood ee lasoo dhaafay isku hayey gacan ku heynta degmada
Tukaraq oo ay Somaliland qabsatay bilowgii bishii hore ee January, taas oo keentay xiisadda oo sii
korortay.
Beesha Caalamka ayaa dadaalkii ugu dambeeyey ugu jirta in la baajiyo dagaalkan, waxayna labada
dhinacba ku cadadisay in ay gabi ahaanba joojiyaan dagaal dhaca ayna ka hortagaan

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment