WAR DEG DEG AH: Wasiir katirsan Xukuumada Puntland oo goor dhaw geeriyooday

Wasiirkii Beeraha iyo Waraabka ee dawladda Puntland Cabdinuur Cilmi Biindhe ayaa ku geeriyooday goor dhaw magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya oo loo geeyey arrimo caafimaad dartood, sidda ay sheegayaan wararka laga helayo Qoyskiisa.

Wasiirkii Beeraha iyo Waraabka Puntland ayaa xanuunsayey mudooyinkii u dambeeyey, sidda ay wararku sheegayaan waxaana goor dhaw la shaaciyey dhimashadiisa.

Mr, Biindhe ayaa horey u soo noqday wasiirka Kalluumeysiga & Kheyraadka badda oo loo magacaabay sannadkii 2014­kii, laakiin sannadkii 2017 kii ayaa wasaaraddan laga qaaday markii baarlamaanku codka kalsoonida kala laabtay Xukuumaddaas oo dhan.

Horey wuxuu uga mid ahaa Asaasayaashii Puntland, waxaana uu ka mid noqday golayaashii wasiiradda ee soo maray mandiqada, waxaana uu mudo dheer kamid ahaa siyaasiinta Puntland ee kasoo jeeda gobalka Sool.

Hadaba Bahda Puntland FM ayaa tacsi udireysa Guud ahaan Umadda Soomaaliyeed tan Puntland & Dowladii uuka tirsanaa Inaa lilaah wa inaa ileyhi raajicuun.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment