Wararkii ugu dambeeyey Tukaraq oo qarka usaaran inuu dagaal ka Qarxo & Ciidanka Soomajeestayaasha PL oo….

Wararkii ugu dambeeyey ee PTFM ka  soo gaaraya deegaanka
Tukaraq ayaa sheegaya in xaaladda halkaas ka taagan ay wali tahay sidii ay ahayd maalmihii lasoo dhaafay, xiisadduna  ay sare u sii kacayso, waxaana suuragal ah in ay labada
ciidan saacad gudaheed isku dhici karaan ama dagaalami karaan.
Ma jiraan wax u muuqda joogsiga colaadda
deegaankan oo muuqata, waxaana marba
marka ka dambeysa sii badanaya askarta
faraha badan iyo hubka ay labada dhinacba
kusii daad-gureynayaa.

Wariyaha Puntland FM ee magaalada Laascaanood oo hadda kusugan deegaanka Tukaraq ayaa
sheegay in kulamo u socdaan wasiiro katirsan maamulka Somaliland iyo Taliyaasha ciidamadas oo
ay ka wada hadlayaan xaaladdaha dagaalka.
Sidaas oo kale warar dhinaca Puntland naga soo gaaray ayaa sheegaya in la filan karro isku dhac xoogan, waxaana diyaar garowgii ugu dambeeyey ku jira ciidamada dawladda Puntland oo bishii January laga qabsaday deegaankan.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment