Warkii ugu Cuslaa oo laga Helayo Tukaraq & Xaalada oo kacsan …..

Wararka Warsidaha Puntlandfm.com uu haatan ka helayo deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in Ciidamadii iyo Tiknikadii ugu badnayd ee Puntland ay gaadheen deegaankaasi Tukaraq.

Ciidamadani oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ka kala tagay goboladda Bari iyo Kar Kaar, waxaana maanta ay si rasmi ah u gaadheen jiidaha hore ee dagaalka.

Deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxaa haatan ka taagan xiisad dagaal oo aad u xoogan, waxaana heegan culus la galiyey ciidamada Puntland kuwaas oo loo diyaariyey in dagaalkii ugu cuslaa ay ku qaadaan Somaliland.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa noo xaqiijiyey in ciidamo ka tirsan Puntland ay maanta gaadheen deegaankaasi Tukaraq, waxaana ay xuseen in jiido hor leh ay ka galeen dagaalka ka dhanka ah ciidamada maamulka Somaliland.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment