XASAASI | Madaxda Dowladda Puntland oo Hal arin Isku raacay & Somaliland oo Wadanah GO’ay….

Warsidaha PuntlandFM.com wararka ka soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in ay kulamo adag xalay dhexmareen Guddiga Amniga ee Puntland, kuwaas oo diiradda lagu saaray arrimaha dagaalka ee kataagan gobalka Sool,
gaar ahaana deegaanka Tukaraq oo mudo ka badan 20 maalmood ay labada dhinacba diyaar garow dagaal ka wadaan.
Guddiga oo maalmihii u dambeeyey kala maqnaa, kalana qeybsaday jadwalada shaqada ayaa kulankan uu ahaa mid ay diiradda ku saareen sida gudiga kasta uga soo baxay shaqadii uu hayey.
Warar hoose ayaa sheegaya in Puntland ay u diyaarsan tahay sidii ay ula wareegi lahayd gobalka Sool, ayna talaabadaas ahayd mid socotay maalmihii ugu dambeeyey.
 Ilo ku dhaw dhaw kulankan ayaa sheegay in madaxda ugu sareysa dawladda Puntland ay si cad u cadeeyeen in ka go’an tahay Xoreynta dhulka dowladda Puntland.

Share This Post

Post Comment