XOG CUSUB: Tartan Qabiil iyo Khilaaf xoog leh oo ka dhaxeeya Kheyre &n Fahad Yaasiin

Warar hoose oo uu helay Puntlandfm.com ayaa sheegeya in Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Fahad Yaasiin uu tartan xoogan oo dhanka qabyaalada ah kula jiro Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Labadan shaqsi ayaa ku tartamaya shaqaaleynta iyo Xilal u raadinta Shaqsiyaad iyaga ku beel ah, waana markii ugu horeysay tartan nuucaan ah lagu dhex arko Madaxtooyada Soomaaliya oo Labo masuul ay wadaan.

Shaqaalo badan oo shaqooyin u doontay Dowlada Soomaaliya iyo kuwa kale oo shaqaale rasmi ah aanan ka aheyn ayaa walwal ka qaba qabyaalada ka socota Madaxtooyada.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa shaqsiyaad ku heyb ah xilal ka siiyay Maamulka Gobalka Banaadir sidoo kale waxaa jira dad u qaabilsan inay magaciisa ugu fududeeyaan mashruucyo dad ay isku beel yihiin.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment