XOG CUSUB | Warar Xasaasi ah oo aan ka helnay Wada hadalka Somaliland & DFS ….

Warsidaha Puntlandfm ayaa ogaaday in uu jiray todobaadkii hore dalab adag oo ay Madaxtooyada Soomaaliya ka heshay dhinaca magaalada Hargeysa, kaas oo lagu cadeynayay in aysan Somaliland tagi doonin Daah-furka wada hadalka Jabuuti ku dhexmaraya labada dhinac, haddii wafdiga Muqdisho ka tagayaa ay qeyb ka noqdaan wasiiradda iyo siyaasiin ka soo jeeda gobaladaas oo xilal ka haya dawladda Faderaalka Soomaaliya.

Somaliland waxay sheegtay in aysan miiska wada xaajoodyada oo dhan fariisan doonin, haddii ay Soomaaliya isku daydo in ay wasiiradaas u soo xilsaartaan arrimaha wada hadalada bilowga ah ee Jabuuti ka furmaya.

Warar hoose ayaa sheegaya in ay arrintan welwel weyn ku yeelatay Dawladda Faderaalka, gaar ahaana Madaxtooyada oo horey u diyaarisay wafdiga wada xaajoodyada in ay qeyb ka noqdaan wasiiradda iyo Xildhibaanada ka soo jeeda Beesha Isaaq.

Puntlandtimes waxay ogaatay in Madaxtooyada Faderaalku ay diyaarisay liiska wafdiga raacaya Madaxweynaha Soomaaliya oo ay ku jiraan wasiirro, Xildhibaano iyo shaqsiyaad Aftahano ah oo taageersanaa Villa Soomaaliya, kana soo jeeda gobalada Somaliland.

Liiskaas waxaa ka mid noqon lahaa.

  • Gudoomiyaha Aqalka Sare CabdiXaashi Cabdullaahi
  • Wasiirka Ganacsiga & Warshadaha Maxamed Cabdi Xayir Maareeye
  • Wasiirka Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda Cabdiraxmaan Maxamed Xaashi
  • Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle
  • Wasiirka qorsheynta & xariirka caalamiga ah Jamaal Maxamed Xasan

Iyo Mudanayaal katirsan baarlamaanka labada aqal ee dawladda Faderaalka, taas oo hadda caqabado cusub soo wajaheen, waxaana xubnahan hadda lagu bedelayaa wasiiro iyo mudanayaal ka soo jeeda beelaha kale ee Soomaaliyeed.

Share This Post

Post Comment