XOG: Laamaha Amniga ee Muqdisho oo baadi-goobaya Qaraxyo waa weyn oo soo galay gudaha caasumada dalka.

Warar hoose oo ay Puntlandfm.com ka helayso magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ay ciidamada Ammaanka ee caasumadu, baadi goob ugu jiraan baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, kuwaas oo ay ilaa hadda larumeysan yahay in ay ku jiraan gudaha degmooyinka gobalka Banaadir.

Wararku waxay cadeynayaan in ay ciidamadu beegsadeen goobo looga shakisanaa in ay ku jiraan gaadiidkan, balse ilaa hadda lama hayo macluumaad rasmi ah oo ku saabsan halka ay ku jiheysan yihiin iyo goobaha ay yaalaan

Saraakiisha laamaha Amniga ayaa laga soo xigtay in labadan baabuur mid kamid ah uu yahay gaari xamuul, kaas oo ay saaran yihiin waxyaabaha qarxa, geysana kara weeraro ka culus midkii dhacay October 14 kana dhacay Isgoyska Zoobe.

Jidadka muhiimka ah ee caasumada ayaa la adkeeyey Amnigooda, gaar ahaana gaadiidka ayaa aad loo kala joojiyey, waxaana sidaas oo kale meelaha qaarkood la xiray jidadkaba cabsida laga qabi karro weeraradaas in ay ka dhacaan.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya xaaladda deegaanka Tukaraq ee gobalka Sool, oo ay isku horfadhiyaan ciidamada Puntland & Somaliland, mudo ka badan 2 bilood waxaana ilaa hadda cabsi ku nool ah shacabka deegaankaas ka barakacay oo ay qaarkood xaalado Bini aadantinimo kuhaystaan deegaanadii ay u qaxeen.

Ciidamada labada dhinac ee Puntland & Somaliland ayaa kusugan goobihii ay kala qabsadeen markii ay ciidamada Hargeysa si fudud ku qabsadeen deegaankaas, waxaana muuqata mar kasta in ay fududahay in ay isku dhacaan labada ciidan.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment