XOG:- Puntland oo Qorshe Halis ah ka Bad baaday & Madaxweyne Gaas oo Wasiiro udiray Gaalkacyo …..

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku amray

afar wasiir oo katirsan golihiisa Wasiirada in ay si deg deg ah ku tagaan magaalada Gaalkacyo, ayna

xal uga keenan xiisada taagan ee kusaleysan in xarumo ay maamusho Puntland lagu wareejiyo

dawladda Faderaalka, taas oo kicisay xiisadii ugu adkeyd.

Wasiiraddan loo diray magaalada Gaalkacyo oo ah xubnaha ka soo jeeda ayaa la kulmi doona

waxgaradka gobalka oo ay kala hadli doonaan sidii xiisadan loo dajin lahaa, go’aan mideysan laga

qaadan doono.

Madaxweyne Gaas ayaa diray xubnaha golaha wasiiradda ee kasoo jeeda gobalka Mudug, gaar

ahaana kuwooda xog-ogaalka u ah arrimaha laysku hayo ee hadda ka jira gobalka Mudug.

Wasiirka Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda Cabdirashiid Maxamed Xirsi

Wasiirka Ganacsiga & Warshadaha Cabdiweli Xirsi Indhaguran

Wasiirka Deegaanka, Duurjoogta & Dalxiiska Cali Cabdulaahi Warsame

Wasiiru dowlaha Madaxtooyada ee xariirka caalamiga ah Burhaan Cilmi Xirsi Wasiiru dowlaha Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Cabdiraxmaan Jaamac Diiriye Dawladda Puntland ayaa ka welwelsan talaabooyinkan cusub, oo la sheegay in ay tahay mid aysan waxba ka ogeyn, sidda laga soo dheegtay xubno katirsan maamulka gobalka Mudug iyo Saraakiil

katirsan Madaxtooyada Puntland.

Guddiga la diray ayaa la kulmi doona waxgaradka gobalka Mudug oo shalay galab go’aansaday in

aysan marnaba aqbali doonin in xarumaha hadda muranku ka taagan yahay lagu wareejiyo cid kale oo

aan aheyn cidda hadda maamusha.

Warar ay heshay Puntlandfm.com waxay sheegeen in qadiyadan lasoo qaaday markii uu

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kusugnaa magaalada Gaalkacyo, balse

si cad u diiday Madaxweynaha Puntland oo xiligaas ka soo horjeestay, diidayna marag fur uu

gashaday Taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment