XOG RASMI AH:- Beesha Dhulbahante oo latimid aykula dagaalameyso Beesha Isaaq & cabsi Xoogan oo..

Gobalada la isku yiraahdo Sool, Sanaag iyo Cayn (SSC) waxaa lagu suntay Erayga dhulka lagu muransan yahay (Disputed area) kaas oo ay hay’adaha caalamiga iyo beesha caalamku u bixiyeen markii dhawr jeer ay dagaalo ku dhexmareen labada maamul ee deriska ee Puntland iyo Somaliland oo mid waliba uu gaarkiisa u sheegto deegaanadan, waxayna taasi dhalisay inay gobaladani kadib dhacaan deegaanada kale ee maamuladaas, oo iyagu horumar baaxad leh sameeyey labaatankii sano ee u danbaysay oo ay SSC la daala dhacaayeen collaado iyo fikiro siyaasadeed oo isdiidan.

Sheegashada Puntland iyo Somaaliland ayaa ku qotonta,iyadoo mid waliba dastuurka ugu qoran tahay inay deegaanadani hoos yimaadaan maamulkooda, hadaba aan eegno mid weliba waxa ay sheegashadiisu ku salaysan tahay.

Maxay ku salaysan tahay sheegashada Somaliland? 

Sanadkii 1991 markii ay dhacday Dawladii dhexe ee Soomaaliya uuna dalku u gacan galay jabhado hubaysan iyo maleeshiyaad midiba meel xiratay ayey dadweynihii gobaladii Waqooyi galbeed shirweyne isugu yimaadeen magaalada Burco ee xarunta Gobalka Togdheer, waxaana shirkaas majaraha u haysay jabhadii dagaalka hubaysan kula jirtay Dawladii Soomaaliya ee SNM, taas oo la wareegtay inta badan gobaladii Waqooyi galbeed, waxaana shirweynahaas lagaga dhawaaqay Dawlad loogu  magic-daray Somaliland oo la sheegay in ay ka madax banaantahay Soomaaliya inteeda kale.

Shirweynahaas waxaa lagaga dhawaaqay inay Dawladaas gooni u goosadka ay ku midaysan yihiin dhamaan gobaladii madaxbanaanida ka qaatay gumaystihii Ingiriiska 1960-kii, ayna ku jireen gobalada Sool, Sanaag iyo degmada Buhoodle oo katirsa-nayd Gobalka Togdheer.

Xubno kasoo jeeda gobalada Sool, Sanaag iyo Buhoodle ayaa ka qayb galay shirweynahaas lagu unkay Somaliland hase ahaate inta badan waxgaradkii iyo dadweynaha kasoo jeeda gobaladaas ayaa gaashaanka u duruuray, waxayna sheegeen inaysan sinaba qayb uga ahaan karin maamul wiiqaaya midnimada umada Soomaaliyeed.

Maxay ku salaysan tahay sheegashada Puntland? 

Sanadkii 1998 ayey dadkii deganaa gobaladii la isku oran jiray Waqooyi Bari oo kala ahaa Nugaal, Bari iyo Mudug oo ay  la socdaan gobalada Sool, Sanaag iyo degmada Buhoodle waxay shirweyne isugu yimaadeen magaalada Garowe ee xarunta Gobalka Nugaal, waxaana halkaas lagaga dhawaaqay Dawlad gobaleed ay ku midaysan yihiin shanta Gobal ee kala ah Bari, Nugaal, Mudug, Sool, Sanaag iyo degmada Buhoodle oo kamid ah Gobalka Togdheer oo ay degaan Beelo isir wadaag ka ah dhanka qabiilka.

Dadka gobalada Sool, Sanaag iyo degmada Buhoodle ayaa si buuxda uga qayb galay shirweynihii lagu dhisay Puntland, iyagoo aan u kala harin maadama ay Puntland kaga duwanayd Somaliland inuu asaaskeedu ahaa raadinta iyo soo celinta midnimadii umada Soomaaliyeed ee luntay.

Inkastoo xiligaas dhismihii Somaliland uu kan Puntland ka horeeyey in ka badan 7-sano hadana madaxweynihii xiligaa hogaaminaayey Somaliland Allaha u naxariistee Maxamed Ibraahim Cigaal oo ahaa siyaasi waaya arag ah kuma dhiiran inuu faragelin siyaasadeed ku sameeyo gobaladaas, isagoo dareen- sanaa waxa ka dhalan kara sidaa daraadeedna maamulkii Somaliland ma noqon mid si buuxa usoo gaara Sool, Sanaag iyo degmada Buhoodle.

Puntland ayaa aaminsan in Soomaaliya markii ay burburtay u qaybsantay qabaa’il kala duwan uuna qabiil walba nidaam u samaystay deegaankiisii sidaa darteedna gobalada Sool, Sanaag iyo Cayn ay tahay inay wax la qaybsadaan dadka ay isir wadaaga yihiin ee reer Puntland, waxayna Puntland u aragtaa in dhismiheedii ay si buuxda qayb uga ahaayeen beelaha Harti ee dega gobaladan ay ku muransan yihiin Puntland iyo Somaliland.

Door intee le’eg ayey midnimada umadda Soomaaliyeed ka qaadan karaan gobalada SSC? 

Waxaa la aaminsan yahay in gobalada Sool, Sanaag iyo Cayn ay udub dhexaad u yihiin midnimada umada Soomaaliyeed marka la eego goobta muhiimka ah ee ay ku yaalaan iyo goosashada ay mudada dheer raadinaysay Somaliland, waxayna dadka u ololeeya midnimadu aaminsan yihiin in gobaladani yihiin kuwa keliya ee Hargeysa ku khasbi kara inay kusoo noqoto miiska midnimada umada Soomaaliyeed.

Sidoo kale Somaliland ayaa aaminsan inay gobaladani muhiim u yihiin danaheeda goosasho, waxayna u aragtaa hadii ay weydo gobaladaas inay lumin doonto rajadeedii gooni isu taaga ee ay mudada dheer orodka ugu soo jirtey, marar kala duwan ayey dad ajaaniib ah oo u ololeeya gooni isu taaga Somaliland kula taliyeed inay gaaraan xuduuda ay sheegtaan.

Muxuu yahay Xalka gobaladan lagu badbaadin karo? 

Dadka sida aadka ula socda marxaladaha gobalada SSC ayaa aaminsan in xalkoodu ku jiro iyadoo loo dhiso Dawlad gobaleed qayb ka ah Dawlada Federaalka ee Soomaaliya, kana madax banan labada maamul ee Puntland iyo Somaliland.

Fikirkan oo u muuqda mid si aada ugu soo xoogaysanaaya deegaanada Puntland iyo gaar ahaan dadka dega gobaladan ayaa la aaminsan yahay inuu noqon karo kan kaliya ee lagu badbaadin karo gobalada Sool,Sanaag iyo Cayn oo asaagood ka haray.

Mid kamida wax garadka Puntland oo ay arimahan wax ka weydiisay Warbaahinta PUNTLAND FM ayaa  kula taliyey Dawlada Puntland iyo tan Federaalka inay taageeraan qorshe cusub oo ay maamul ugu sameynayaan deegaanadan si loogu quur gooyo sheegashada Somaliland ayna gobaladani tiir dhexaad ugu noqdaan jiritaanka qaran Soomaaliyeed oo lagu midaysan yahay.

Warar aan la xaqiijin oo ay helayso PUNTLAND FM ayaa sheegaya in Madaxweyne Famaajo iyo Madaxweyne Gaas ay arintan isla soo qaadeen xiligii uu Madaxweyne Farmaajo booqashada ku joogay Puntland sidoo kale waxgaradka kasoo jeeda deegaanadan ayaa Madaxweyne Farmaajo kala hadlay qorshahan inuu taageero wallow aan la ogayn fikirka dhabta ah ee Madaxweyne Farmaajo ka qabo.

Dhawr jeer oo hore ayaa fikirkan la isku dayey mase noqon mid suurtagal noqday maamada aysan Puntland horay marna raali uga ahayn in gobaladan laga dhiso maamul ka madax banaan.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment