XOG RASMI AH:_ Sarkaal Beesha Cali Saleebaan ah oo Hogaamin doona Ciidanka Difaaca….

Xilli muddooyinkii ugu dambeeyey ay socdeen qorshayaal kala duwan oo lagu horumarinayo ciidamada difaaca Puntland ayaa waxaa soo baxaya xoggo tibaaxaya in dowladda Puntland ay dhisayso ciidamadii ugu xooga badnaa.
Warsidaha Puntlandn FM oo ayaa xoggo uu helay waxa ay sheegayaan in xukuumadda madaxweyne Gaas ay haatan diyaarisay nidaam iyo qorshe lagu horumarinayo ciidamada difaaca Puntland sidoo kale laguna dhisayo ciidamo cusub oo qayb ka qaadan doona sugida amaanka iyo difaaca Puntland.
Goboladda ugu badan ee laga dhisi doono ciidamadani ayaa lagu sheegay in ay kala yihiin goboladda Sool, Sanaag, Nugaal iyo Mudug oo dhamaantoodba dhaca xuduudo kala duwan oo Puntland ay la wadaagto, Somaliland, Galmudug iyo dowladd deegaanka Soomaalida Ethiopia, waxaana ciidamada ay sugi doonaan amaanka guud ee deeganadaasi oo loo diyaariyey in ay difaacooda ka qayb qaataan.
 Taliyaha ciidamadan oo aan weli la shaacin shakhsiga noqon doona ayaa waxaa la isku raacay in taliye looga dhigo shakhsi kasoo jeeda Beesha Cali Saleebaan (Majeerteen), iyadoona shirkii gollaha Wasiiradda Puntland lagaga hadlay hirgelinta qorshahaasi iyo qaabka uu u fulayo.
Beelaha Puntland ayaa laga qori doonaa ciidamadani, waxaana qayb ka ahaan doona ciidamadan xusub sida la sheegay ciidamo Beeleedyada ku sugan jiidaha hore ee dagaalka Tukaraq si ay qayb uga noqdaan hawlgalka xoreynta gobolka Sool.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment