XOG-Wasiir kamid Xuk. Puntlad oo Ku Qorsheeyey Inu IsCasilo & War Cusub oo….

Wasiirka duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) oo horena u soo noqday wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladdaha Hoose ayaa dhawaan ku sigtay inuu is casilo, kadib markii khilaaf xoogani uu soo kala dhex galay wasiiirka iyo guddiga dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe.

Xoggo hoose oo ay heshay PuntlandFM ayaa tibaaxaya in labada dhinac ay isku khilaafeen arimo la xidhiidha qarashaad loogu tala galay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe kadib markii wasiirka duulista loo diiday in lagu wareejiyo lacag loogu tala galay nalaynta iyo horumarinta bilicda garoonka diyaaradaha ee Garoowe.

Wasiir Karaash ayaa ku doodayey inuu isagu masuul dowladda Puntland uga yahay dhismaha garoomada diyaaradaha ee ka jira deegaanada Puntland xaqna u leeyahay in uu isagu maamulo howlahaasi, waxaana uu guddiga gacanta ku haysa garoonka diyaarada ee magaalada Garoowe ku eedeeyey in ay faro gelin ku hayaan shaqadii dastuuriga ahayd ee wasaaraddiisa taas oo ka dhigaysa wasaaradda duulista Hawada iyo Garoomada Puntland mid fadhiid ah oo aanan shaqaynin waa sida uu hadalka u dhigaye.

Marka laga yimaado eedaymahan kasoo yeedhay Wasiir Karaash ayaa waxaa iyaguna diidmada lacagtaasi ku an dacoonaya guddida garoonka diyaaradaha ee Garoowe kuwaas oo sheegay in ay ka baqeen in wasiirka iyo wasaaraddiisuba ay musuq maasuqaan hantidaas oo loogu tala galay wax kaga qabashada garoonka diyaaradaha.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment