XOG+DAAWO:Madaxda dowladda Puntland oo ku dhawaaqay xaalad dagaal & Odayaashii Hargeysa ka yimid oo Muuse Biixi u sheegay…

Xoggo rasmi ah oo Warsidaha Puntlandfm.com uu ka helayo madaxtooyada Puntland ee magaalada Garoowe ayaa sheegaya in madaxda dowladda Puntland ay is hor taageen isla markaasna ay diideen dalab uga yimid odayaal iyo isimo ka socday dhanka maamulka Somaliland, kuwaas oo qorshahoodu ahaa xal u raadinta xiisadaha deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Ujeedka safarka isimaddani ka socday deegaanada Somaliland ayaa salka ku hayey sidii madaxda Puntland loogu qancin lahaa in baajiyo dagaalo kale oo ka dhaca deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool iyo duulaanka ku wajahan malayshiyaadka Jeegaanta ee haatan ku sugan qaybo kamid ah gobolka Sool, waxaana kulamo dhex maray iyaga iyo qaar kamid ah isimadda Puntland ay kusoo dhamaadeen fashil xoogan kadib markii isimadda Puntland ay sheegeen in aysan nabad qaadan doonin inta deegaanada Puntland ay ku sugan yihiin ciidamada Somaliland.  

Sidoo kale isimaddani ayaa kulamo la qaatay xubno kamid ah isimadda deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn oo mowqif adag ka istaagay xaalada gobolka Sool, iyagoona sheegay in hadii Puntland ay baajiso dagaalka ku wajahan gobolka Sool aysan iyagu baajin doonin dagaalo ay ku bartilmaameedsan doonaan ciidamada Somaliland ilaa inta ay ka baxayaan deegaanadooda.

<iframe width=”640″ height=”390″ src=”https://www.youtube.com/embed/9zSEwXxA6k4″ frameborder=”0″ allow=”autoplay; encrypted-media” allowfullscreen></iframe>

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment