XOG+XASAASI | Ciidanka Difaaca Puntland oo Heegan la giliyey & Jiida dagaal oo siweyn loo adkeeyey…

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya magaalooyinka Garoowe & Laascaanood ayaa daaha ka rogaya in ay tan iyo xalay socdeen abaabulo, diyaar garowgii ugu dambeeyey & talaabo kasta oo ay qaadi karaan labada dhinac ee Puntland & Somaliland.

Saraakiisha ciidan ee labada dhinac ayaa xooga saaraya sidii ay ugu kala guuleysan lahaayeen dagaal ka dhaca gobalka Sool, inkastoo ay socdaan dadaalo heer caalami ah oo ku wajahan sidii colaadd cusub loo baajin lahaa.
Kulamadii ugu adkaa ee kadhaca magaalada Laascaanood ayaa diiradda lagu saari laha sidii taageero dheeraad ah loogu heli lahaa ciidamada Somaliland ee kusugan magaaladaas iyo deegaanada Jiidaha dagaalka.
Odayaasha qaarkood oo laga codsaday maleeshiyaad cusub in ay keenaan ayaa ku fashilmay damaca maamulka Somaliland, waxaana xooga ay saaraysaa Somaliland sidii ay u heli lahayd maleeshiyo ka soo jeeda deegaanka ay kusugan yihiin ciidamadoodu waqtigan.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment