XUSUS MURUGO LEH:- Somaliland oo Malain Madow utahay & Dhimashada Inkabadan Ruux & Dhaawac…..

Magaaladii Boorame oo dhan waxa qariyey siigo, olol, onkod iyo dayaan is wata oo dadkii oo dhan ku riday argagax naf iyo nololba ka quusiyey, waxaana isla maalintaas Isniineed saacaddu markay ahayd 2:15 (labadii iyo rubuc ) ayaa Radio Muqdisho warkiisii duhurnimo lagu sheegay in dayuuradaha dagaalka ee maamulkii Mingistu ee Ethiopia ay weerar kusoo qaadeen degmada Boraame iyo tuulada Goraya Cawl oo ka tirsan gobolka Awdal.

Weerarkaas bahalnimada ah waxaa gaystay lix diyaaradood oo ah ku dagaalka oo noocoodu ahaa Miig 21 iyo Miig 23. Isugeyntii dadkii ku dhintay weerarkaas waxa ay gaadheen 70 qof oo 37 kamid ah ay ahaayeen ardaydii dugsiyada hoose ee degmada Borame, kuaws oo da’adoodu u dhaxaysay 6­ ilaa 14 sano jir iyo afar macalin.

Waxa kaloo ku dhaawacmay 110 kale oo iskugu jira arday iyo shacabkii magaalada Boorame, iyadoo islamarkaasna ay bur buriyeen 70 guri iyo afar dugsi oo hoose/dhexe iyo xaruntii xanaanada hooyada iyo dhalaanka ee MCH-ka.

Dadka Reer Boorame & Dareenkooda Dhacdadaasi Halkan Ka Daawo

Intayadii warkaas dhagaysatay ee Xamar ku noolayd waxaan la istaagnay naxdin iyo argagax iyadoo qof walba oo reer Awdal ahi ka fakarayey sidii war intaas ka faah faasan loo heli lahaa, waxaan dabadeed tagnay Boostii Xamar ee Telefoonada halkas oo reer Awdal ay saf ugu jireen waxa noo suura gashay in ogaano in adeerkay oo aan guri wada daganeyn oo la yiraahdo Maxamed Cabdilaahi Mixile nasiib daro ay walaashii oo saddexani ku jirtay dadka ku geeriyooday weerarkaas, waxaana ilmaheeda kasoo kaxaysay xarunta xanaada caruurta midna dhabarka ayey ku siday markii weerarku haleelay oo halkaas ayaa saddexdoodiiba ay ku dhinteen (Alla Yaaraxmi).

Waxaan u soo baxnay Arbacadii socdaal aniga iyo Mixile iyadoo diyaarada ay saarnaayeen dad reer Awdal oo sidoo kale qoyskoodii geeridu ku dhacday, waxaana nimid Hargeysa oo aan markiiba dhaafnay si aan tacsida u gaadhno.
Baabuurta Hargeysa ka baxaysay waxay sideen dad gurmad oo ka kala yimid gobolada dalka magaaladana waxaa ka muuqatay jawi geeri, argagax iyo naxdin inteeda badana waxa magaalada qariyey teen dheeyooyin laga dhisay guryaha hortooda oo lagu qabanayey tacsida, waxaase la isku gudbinayey in samir iyo dulqaadka lagu dadaalo.

Sarkaal ka tirsan Bangiga degmada Boorame waxaa magaalada yimid wufuud badan oo ka tirsanaa xukuumadda iyo ku shisheeye oo ka kala socday safaaradaha Masar, Maraykanka, Shiinaha, Ingiriiska, Faransiiska iyo Kenya, kuwasoo tagay oo booqday xabaal wadareedkii (Mass Grave) lagu aasay dadkaasi, iyagoo weliba u bax dhigay taalo loo
qoon deeyeyna ku dhawaaqay in lagu xasuustoo xasuuqaasi bahalnimada ah.

Waxa kaloo yimid wariyaal isku jira Soomaali iyo Ajnabi ah gabadh ka tirsanayd wariyaasha oo ka socotay Tvga magaalada Henlay oo ay Borame mataano yihiin ayaa ii sheegtay “inay ilmaysay markii ay cisbitaalka Boorama ku
booqatay dhawacii oo ay ku jirtay gabadh yar oo sideed jir ah oo ku indho beeshay weerarkaas”.
Gudoomiyaha gollaha degaanka degmada Borama Sh Cabdillaahi Sh. Cali Jowhar ayaa sheegay in weerarkan lala beegsaday dad caruur iyo maato ah oo aan waxba gaysan (Soft Target) kasoo ka baxsan Bini aadainimada, waxaan uu u rajeeyey in samir iyo iimaan ka siiyo alle dadka reer Borama intii dhimatayna illaahay uu u naxariisto.

HALKAN KA DAAWO QAABKA UU U DHACAY WEERARKAASI

Magacda ubaxii ama shuhaddadii ku naf waayey xasuuqii foosha xumaa ee xabashidu ka gaystay Boorame
No. Magac (Names) Da’ (age) Fasal (Grade)
1. Ilyaas Ibraahim Maydhane 12 4
2. Ismaaciil Muuse Tubeec 13 4
3. Abadir X/ibrahim Xaaji 11 4
4. Axmed Idiris Ibraahim 12 4
5. Axmed Ibraahim X/ bookh 12 4
6. Ubax Cumar Maydhane 10 3
7. Anisa daahir Caateeye 10 3
8. Maxamuud Maxamed Daahir 10 3
9. Yaassiin Daahir Ibraahim 10 3
10. Abdi Hassan Cali 9 3
11. Abdi Ahmed Yuusuf 10 4
12. Husseen Maxamed Nuur 12 3
13. Sacaada Cabdulle Faarah 10 3
14. Maxamed Xasan Faarah 9 3
15. Nimca Maxamed Xirsi 10 3
16. Rashiid Huseen Cige 10 3
17. Cabdi Ismaaciil Xasan 11 3
18. Maxamed Aw/ Aadan Cabdi 8 2
19. Khadra Maxamed Xirsi 9 2
20. Maxamed Idiris Miicaad 8 2
21. A/risaaq SH/maxamed 10 2
22. Sahra Aaden 6 1
23. Faadumo orod ku dharag 6 1
24. Fa’isa H/Ibraahim Muusae 12 4
25. Ruqiya Maydhane Muxumed 10 2
26. Hibo Axmed Ali yey 11 4
27. Maxamed Xasan Xandulle 13 4
28. Hinda Axmed Cilmi 10 3
29. Hibo Barkhad Qayaad 9 3
30. Qayaad Barkhad Qayaad 11 4
31. Deeqa Yuusuf Cige 10 3
32. mustafe Cilmi Weyrax 9 2
33. C/laahi Nuur Cumar 14 8
34. Axmed Cabdi Barre 11 3
35. Kaltuun Abubakar Sheekh 10 4
36. Warla Cilmi Subagle 9 3
37. Sucaad Cali Obsiiye 14 7

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment