DEG DEG| Xog Xasaasi oo kasoo Korortay Cidii ka dambeysay Dilkii Taliyaha G.Mudug !

Taliyaha Ciidanka Booliska Degmada Goldogob Cabdixamiid Warsame Cilmi ayaa lagu dilay inta u dhexeysay Degmada Buur-Saalax iyo Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug

Dilka Taliyaha ayaa yimid kadib markii ay ka shakiyeen gaari uu watay Taliyaha  Ciiidamo ku sugnaa kantaloolka laga soo gala Degmada Buur-Saalax sida uu goob jooge u sheegay Horseed Media

..Xili habeen ah ayey ahayd, Ciidanka waxa ay ka shakiyeen gaariga uu watay Taliyaha, kadibna rasaas ayey ku fureen sidaa ayuu ku geriyooday Taliyaha ayuu yiri goob joogaha

Meydka Taliyaha ayaa la geeyey isbitaalka degmada, iyadoo 4 ka mid ah ciidankii la dhigay xabsiga magaalada Buur-Saalax.

Share This Post

Post Comment