FAAH FAAHIN:- Yaa lala eegtay Qaraxii Gaalkacyo & Xogihii ugu dambeeyey oo Xaqiijisay in..

Xaaladda magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa degan kadib qarax maanta kadhacay xaafadda Israac, lana sheegay inuu kudhaawacmay sarkaal katirsan ciidanka difaaca wadanka.

Ciidanka ammaanka oo goobta gaarey xilligii uu qaruxu dhacay ayaa sameeyey howlgallo ay ku xaqiijinayaan ammaanka goobtaasi, waxaana sarkaalka dhaawacmay hadda lagu dabiibayaa mid kamid ah xarumaha caafimaadka ee magaalada Galkacyo.

Sarkaal hore oo magaciisa lugu sheegay Faarax Caato, ayaa lagu dilay qarax gaarigiisa lugu xirey oo goor dhow ka dhacay aagga hotel Jirde oo ku yaalla xaafadda Israac ee magaalada Gaalkacyo.

Ma jirto faahfaahin intaan ka badan oo qaraxa gaari laga helay, balse saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay inuu sarkaalkaan udhintay dhaawaca soo gaaray.

Kooxda Alshabab ayaa loo maleynayaa inay ka dambeeyaan falkaan, iyadoo la ogsoon yahay inay horey uga dambeeyeen qaraxyo caynkaan oo kale oo lagu dilay saraakiil ciidan, xildhibaano, masuuliyiiin dowladdeed iyo ganacsato.

 

Share This Post

Post Comment