Gabar Wariye ah oo SI Fool Xun loo Jir dilay & Xaalkeeda oo Halis kujira …..

Shalay waxaa magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabeele lagu xeray Iqro cabdullahi oo kamid ah saxafiyinta Gobolka Shabeelaha Dhexe xilli ay Ku Guda Jirtay Shaqo Sida La Sheegay Waxaana Sawiro Lagu Baahiyay Baraha Bulshadu ay muujinayeen in Loo Geystay Jirdil kahor xariga.

Taliyaha Saldhiga Degmada Jowhar Maxamed siyaas Canjeex oo la hadlay PuntlandFM ayaa sheegay In Wariye Iqro Cabdullahi iyado oo ku jirta shaqo Aay ismaan dhaafeen Askar weydisay Aqoonsigeeda Shaqo waxana uu meesha ka saaray in iyagu xireeen sidoo kalena loo geystay jirdil isagoo taliyuhu sheegay in ay waalidkeen Fareen Xariga loo geystay
Dhan ka kale Hooyo Qadiijo Xasan oo ah hooyada dhashay Iqro Cabdullahi Ay PuntlandFM waxaa ay u sheegtay in iqro loo geystay jirdil una geysteen ciidanka Saldhoiga Booliska ee Jowhar.

Gelinkii danbe Ee Shalay aya iqro Cabdullahi waxaa lagu sii daayay dedaalo uu sameeyay Gudoomiyaha G/Shabeelaha Dhexe Axmed Meure Maakaraan.
Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe iyo Booliska Jowhar ayaa lagu eedeeyaa in ay marwalba dhibaatooyin joogto uah u geytaan saxafiyiinta halkaasi ka howlgala

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment