Salaad Cali Jeele oo War Yaab leh ka yiri Shaqo ka eryidii Thaabit !

Salaad Cali Jeelle oo kamid ah siyaasiinta aadka u taageersan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa welwel ka muujiyey markii uu maqlay warka sheegaya in xilkii laga qaaday Gudoomiyihii gobalka Banaadir Thaabit Maxamed Cabdi oo todobaadkan lagu sameeyey shaqo ka ceyrin,

wuxuuna sheegay Salaad in ay taasy ahayd arrin welwel weyn ku abuurtay. Mr, Jeelle oo ah nin aan lagu aqoon wax qarsiga ayaa sheegay in Thaabit uu masuul u ahaa shacab Soomaaliyeed, uuna ahaa qofkii ka dambeeyey in rag badan oo katirsanaa Mucaaradka dawladda Faderaalka soo dhaweysto, kana dhigo kuwa taabacsan dawladda Faderaalka.

Salaad wuxuu sheegay in marar badan u soo joogay Xildhibaano, Siyaasiin iyo shaqsiyaad caan ah oo nacsanaa siyaasadda Madaxweynaha Soomaaliya ay aqbalaan, marka ay doodaan Thabit Maxamed Cabdi oo ahaa maskaxdii ka dambeysay xubno mucaarad ah in ay noqdaan kuwa taageersan dawladda.

Siyaasigan ayaa sheegay in uusan u fadhiyin in khilaaf uu kasoo dhex bixi doono Madaxtooyada iyo kooxdii sidda wadajirka ah u soo gashay, balse wuxuu sheegay in ay tanni xasuusisay taariikhihii horey loo soo maray uuna aad uga welwelsan yahay waxa dhici kara bilooyinka dambe.

Sidoo kale wuxuu siyaasiga sheegay in Thaabit uu ka dambeeyay iyagoo siyaasiyiin badan ah inay raacaan safarka Madaxweynaha, isagoo diidanaa inta uu Madaxweynaha maqan yahay in isbedelo siyaasadeed dalka ka dhacaan laakiin isaga ayaa ku xil waayay.

Share This Post

Post Comment