War Halis ah oo laga Baahiyey Madaxweyne Farmaajo & Villa Soomaaliya oo si deg deg ah …….

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa beenisay warqad lagusoo daabacay baraha internetka, taasoo ka hadlaysay qarashkii ku baxay safarkii madaxweyne Farmaajo uu ku tagay Puntland iyo Galmudug.

Warqadaan ayaa waxaa ku qoran xisaab xirka qarashkii ku baxay safarkii madaxweyne Farmaajo ee qaatay 17 cishe, kaasoo uu ku marayay gobolada ay ka arrimiyaan Puntland iyo Galmudug.

Waxaa warqadaan ku qoran inuu madaxweynuhu safarkaas ku bixiyay ama uu u isticmaalay lacag dhan hal milyuun iyo badh, sida ku muujisan waddarta guud ee lacagta.


Meelahaan lacagtaan ay ku baxday waxay ku sheegeen, Diyaarada, xaflado, cunto, hotelo, shidaal, gaadiid soo dhowayn iyo Fanka. Waxaa sidoo kale ay ku sheegeen in madaxweynuhu lacag toos ah siiyay madax dhaqameedyada uu kula kulmay Puntland iyo Galmudug.

Hadaba, warkaan waxaa beeniyay agaasime ku xigeenka madaxtooyada Soomaaliya, Cabdirisaaq Sholle oo warqada ku xusan inay isaga kasoo baxday xafiiskiisa uuna ugudbiyay xafiiska agaasimaha guud.

Share This Post

RIIX HALKAN SI AAD UHESHO WARARKA TUKARAQ

Post Comment